Ciidamo Huwan ah oo la wareegay Deegaan Al Shabaab Saldhig weyn ku lahaayeen

Ciidanka milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Qunbi oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa sheegay in deegaanka Qunbi Al Shabaab ku lahaayeen saldhig weyn oo milatari, waxa ayna saraakiisha sheegeen in Al Shabaab deegaankaasi jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Ciidanka deegaanka la wareegay oo ka baxay deegaanka Janaay Cabdalle ayaa saraakiisha hoggaamineysa sidoo kale sheegeen in Al Shabaab kasoo furteen hub iyo saanad ciidan kale oo ay uga carareen deegaanka Qunbi.

Deegaankan ciidamada la wareegeen iyo deegaanno kale oo ku dhaw dhaw ayaa waxaa ka socda howlgalo ay wadaan ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegay in ay sii baacsanayaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -