Su’aalo laga keenay Heshiis ay Dowlada la saxiixatay Shirkada Royal Dutch Shell & Exxon

Wasaaradda Betrolka & Macdanta Xukuumada Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan dalka Holland heshiis kula saxiixatay  Shirkadda Royal Dutch Shell & Exxon , waxaana heshiiskan Soomaaliya ka heshay lacag lagu sheegay $1.700.000 million.

Aqoonyahan Yaxye Caamir oo bartay cilmiga dhaqaalaha ayaa su’aalo adag ka keenay heshiiskan, waxa uuna Qoraalkan kusoo bandhigay su’aalo uu doonayo in Wasaarada uga jawaabto dadka Soomaaliyeed.

Qoraalka Yaxye Caamir ayaa u qornaa sida tan:

Ku: Wasaaradda Betrolka & Macdanta.
Ujeedo: Codsi Xog siin.

Anniga oo ah Muwaadin Somaliyeed oo aan leheeyn Cid aan toos u wakiishay, Sharci ahaana Xaq u leh in aan Wasaaradda Sharfta leh weeydiiyo, su,aalahaan.

Arrintani waa arrin saameeynee Aniga & Caruurteyda, Adinka & Jiilasha dambe, sidaa darteed ayaan idiinkugu Soo gudbiyay Codsigaan, waxaan si naxariis leh idiinkaga Rajeynayaa in aad ii Soo Jawaabtaan si aan u qanco.

1-Bishii June Amsterdam, waxaa Shirkadda ” Royal Dutch Shell & Exxon iyo wasaaradu Ku Kala saxiixdeen , Heshiis Nalagu siiyay $1.700.000 million, oo ahaa ( Rental Service Fee) kadib markii la Soo cusbooneysiiyay heshiis hore( to lease offshore Blocks).Ma Xuma.

Su’ aashu waxa ey tahay, 30 Sanno ayaa waxaa jiray xaalad ey u bixin waayeen kiradii Blocks -ka” Force majeure” heshiiskaa oo si tadar leh loo galay Kacaankii Ka hor.
Hadda Shirkadaha & Annaguba waxaan fileeynay, in qiimaha Kirada 30 kii Sanno iyo Cusbooneeysiintu ey noqon doono $ 50-100 Million, Laakin waxa ey noqotay $1.7 million kaliya, taa oo ah 5 Block oo Ka kooban 56.667 Sq.km, kiradana laga dhigay 1km, in lagu kireeyo $1 kaliya Sannadkii, iyada oo ascaarta Blocks-ka Aduunku is bedeshay.

($1x 30 sanno x 56.667 sq.km= 1.7 million).

Wadankaba kuma taal, xataa dhul banaan, meel Halkii Km lagaaga kireeyno Hal Dollar oo kaliya Sannadkii.

S1: sideey Ku dhacday in 30kii Sanno laga dhigo Sannadkiiba Hal Dollar, Weliba loo Cusbooneeysiiyo?.

2- Shirkadahaasi weli waxa ey leeyihiin, 30 Sanno oo kale ayaa naloo cusbooneysiiyay, laakin Xaalka Ka jiro Somalia iyo shidaal meelo kale oo Dunidaa aan Ka helnay, waxaa suura gal ah in Shidaalka Somaliya aanan Soo Saarinba 30ka Sanno ee soo socoto , keyd ahaan ayuuna noogu Xayirnaanayaa. Ogoow waxa Jira wadamo kale oo Afrika iyo Laatiin America Ku yaal oo laga saxiixday lagana xayiray in la Soo saaro Muddo Ka badan 30 Sanno. Magaca Allaah ayaan kuugu dhaaraty, waxaan dhagaheyga Ku maqlay, Amb.Robert Okley ,Safiirkii Mareykanka ee Somalia Waqtigii Dagaaladii sukeeye kana mid ahaa Masuuliyiinta Shirkaddii shidaalka Conaco oo leh: Shidaalka Somaliya waxaan sugeynay 30 Sanno, Haddii aan u baahanana waxaan sugi karnaa 30 kale.

S2- Taa maxaa Ka tiraahdeen?

3-Shirkado shidaal oo kale ayaa su’aal Ka keenay arrintaa, oo leh arrintaa Baarlamaanka Somalidu ma ogolaanayaa.

S3.Taa sideed u aragtaan?

4-waxaad sheegteen in $1.7 Million-ka ey u qeybsan doonaan Dowlada dhexe iyo Dowlad Gobaleedyadu sida Ku qoran Heshiiskii Beydhabo ( Resource Sharing Model of SFG &FMS of Baydhabo)

S4- Maamul Gobaleedyadu, ma waxa ey sugayaan qeeybsiga, Mise Go’ aankii Heshiiska ayey Ka qeyb qaateen?

5- Hore Bishii Febrayo, waxaa la sheegay in Sannadkaan gudihiisa la xaraashi doono 15 Block oo kale oo Ka koobam 75.000 Sq.km, oo ey Ku jirto 30bn Fuusto oo shidaal ah.

S5- Arrintaa maxaa iska bedelay?

6- Somali land Heshiiska la cusbooneysiiyay waxbeey Ku leheyd markii hore, Dowlada dhexena waxa ey leedahay Annagaa Ka wakiil ah Dalka oo dhan, oo Somali land kama go’in Dalka.

S6- Haddaba maxaa qeybta loogu koobay, dhowlada dhexe & Dowlad gobaleedyada oo kaliya, soow looma arki Karo in Somali land laga qadinayo kheyraadka Dalka?

FG: Fadlan ha u qaadan in aan wasaaradda Ku xumeynayo su’aalahan, waa Xaqa Aniga iyo Qof kasta oo Somali ahi, aan u leeyahay in aan wax Ka ogaano.

Waxaan suganaaba waa jawaabta walaalaheena arrintaa nooga masuulka ah.

Qore: Yahya Amir

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -