Xukun Dil ah oo lagu riday Askar lagu eedeeyay in ay ahaayeen Fuley

Maxkamad kutaalla dalka Koongada Dimuquraadiga ayaa xukun dil ah ku riday askar katirsanaa milatariga dalkaasi , kuwaa oo lagu eedeeyay in ay yihiin fuleyaal ka cararay kooxo hubeesan oo dagaal kula jiray.

Askartan xukunka dilka ah lagu riday oo gaaraya ilaa toban askari ayaa lagu eedeeyay in ay argagax isku rideen ayna muujiyeen fuleynimo xilli ay dagaal isaga hor yimaadeen maleeshiyaad katirsan fallaagada M23 ee ka dagaalanta dalka Koongo.

Dagaal dhax maray ciidamadan katirsanaa milatariga Koongo iyo falaagadda M23 oo ka dhacay deegaan katirsan maamulka gobolka Waqooyiga Kivu, ayaa askartan la sheegay in ay carareen halkii ay dagaalami lahaayeen.

Askartan xukunka dilka ah lagu riday ayaa beeniyay in ay carareen ayna muujiyeen fuleynimo, qareenada u doodaya askartan ayaana sheegay in xukunkan dilka ah ka qaadan doonaan racfaan .

Maxkamad kutaalla dalka Koongada Dimuquraadiga ayaa sidan oo kale horey xukuno dil ah ugu riday askar kale oo muujiyay fulenimo, waxaana askartaasi qaarkood xukunkood loo bedelay xabsi daa’in .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -