Somaliland oo mar kale Go’aano cusub kasoo saartay Dagaalka ka socda Laascaanood

Shir xalay ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , kana qeybgaleen toban urur siyaasadeed ayaa laga soo saaray go’aano

Madaxweyne Muuse Biixi iyo tobanka Urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka xisbiyada  Somaliland ayaa shirkooda kasoo saaray go’aano cusub oo la xiriira xaalada dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood.

Qoddobada ka soo baxay Shirku waxay u dhignaayeen sidan:-

1) In arrimaha Somaliland Ururada iyo Xukuumaddu meel uga soo wada jeedsadaan, waxkasta oo  ku yimaadna si midaysan looga hortago.

2) In xaaladda Laascaanood lagu soo dabaalo nabad iyo wada-hadal, si xal waara loo gaadho.

3) In madaxda Ururaddu ay taageereen xabad joojinta xukuumaddu ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen dhanka kale in ay fuliyaan, sidoo kale waxay hoggaamiyeyaasha Ururadda iyo xukuumaddu isla garteen in la sii wado dadaalka nabada ee Laascaanood.

4) In Ururadda siyaasadu gacan buuxda ka geystaan xal u helidda Colaadda Laascaanood.

5) In Somaliland ahaan Taakulo iyo Gurmad deg-deg ah loo fidiyo bulshadda ka barakacday Magaaladda Laascaanood.

6) In ururadda siyaasaddu leeyihiin xuquuq siyaasadeed oo la mid ah ta xisbiyaddi hore, islamarkaaa ay qayb ka yihiin taladda iyo wada-hadalkasta oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

7) Ugu danbayn, waxa si wadajira la iskula gartey in Ururaddu ay iska soo saaraan hal-hal xubin oo qayb ka noqda taladda iyo wada-hadalada doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -