Muuse Biixi oo Xaalada Laascaanood iyo sida laga yeelayo kala shiray 10-Urur Siyaasadeed (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa shir Gudoomiyey kulan ay isugu yimaadeen tobanka urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka xisbiyada siyaasadda ee maamulka Somaliland .

Shirkan uu caawa Madaxweynaha Somaliland la qaatay madaxda ururada siyaasada ayaa  looga arrinsanayey xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, gaar ahaan dagaalka dhiiga badan ku daatay ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Muuse Biixi ayaa warbixin guud ka siiyey hoggaamiyeyaasha ururada siyaasadda Xaaladda guud ee dagaalka Laascaanood ka socda, waxa uuna u sheegay in looga fadhiyo tallo iyo tusaale wixii ay hayaan ee wax ka taraya daminta dagaalka laascaanood.

Madaxda ururada siyaasada uu la kulmay madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhankooda u gudbiyay aragtidooda ku aadan sida xal loogu heli karo colaada Laacaanood, waxa ayna labada dhinac u ballameen in beri go’aan mideysan kasoo saaraan arrintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -