Dowladda Mareykanka oo War kasoo saartay Ansixinta Xukuumadda Cusub

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay ansixinta xukuumadda cusub uu dhawwaan soo magacaabay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo maanya xildhibaanada golaha shacabka si aqlabiyad leh u siiyeen codka kalsoonidda.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Soomaaliya ku leedahay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweenayaan asnixinta xukuumadda cusub, waxaana qoraalka lagu sheegay in Mareykanka aad u daneenayo sii wadida taageerada Soomaaliya.

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre anixinta golaha wasiirada. Mareykanku waxa uu aad u danaynayaa inuu sii wadno ka qaybgalkayaga taageerida soo noolaynta Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Xukuumadda cusub ee Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta la horgeeyay xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa codka kalsoonida siiyay 229-Xildhibaan, halka ay diideen 7-xildhibaan , waxaana ka aamusay hal xildhibaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -