Ilmo labo bilood jira oo Shan maalin Kaddib isaga oo nool burbur laga soo hoos saaray

Kooxaha gurmadka degdega ee dowladda Turkiga ayaa wali wada baadigoobka dad nool iyo kuwa dhintay oo ay ka dhax raadinayaan burburka dhismayaashii ku dumay dhul-gariirkii ku dhuftay magaalooyin Turkiga kuyaalla.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa baahisay in kooxaha gurmadka maanta soo heleen ilmo yar oo 2 bil jir ah oo muddo 128 saacadood ku hoos xanibnaa dhismo ku yaalla gobalka Hatay ee Koonfurta dalka Turkiga.

Ilmaha yar ee laga soo saaray dhismaha burburay isaga oo nool ayaa loola cararay isbitaal , waxa ayna dhaqaatiirta gacanta ku haya cunugan yar ayaa sheegay in xaalkiisa soo hagaagayo ayna la tacaalayaan.

Waxaa hadda sii yaraanaya rejada laga qabo in dad nool laga helo dhismayaasha ku burburay dhul-gariirkii isniintii lasoo dhaafay ku dhuftay deegaanno katirsan dalalka Turkiga iyo Syria .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -