Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax jugtiisa si weyn looga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka xarunta degmada Hodan.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa dhacay ayaa la sheegay in uu ahaa mooto waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen , taa oo ku qaraxday agagaarka xarunta degmada.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay , waxa ayna ciidamada goobtaasi ka wadaan baaritaano la xiriira qaraxan dhacay.

Qaraxan goordhaw dhacay ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay , mana jirto ilaa hadda wax war ah oo dowladda iyo laamaha ammaanka kasoo saareen qaraxan caawa ka dhacay Muqdisho.

Related posts

Burcad dhac ka waday xaafado ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulan Muhiim ah yeeshay

Cabdi Cade

Nin Kufsi u geestay Gabar 1-sano jir ah uu Hooyadeed Qabay oo xukun adag lagu riday !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---