Diyaarad lagala baxsaday Garoon kuyaala Mareykanka oo bur burtay (Daawo Sawirro)

Nin kamid ah Shaqaalaha Shirkad Diyaaradeed ayaa si lama filaan ah garoonka diyaaradaha ee Seattle ee waddanka Mareykanka waxa uu kala baxsaday diyaarad aysan la socon wax rakaab.

Ninkan ayaa garoonka kala baxsaday diyaarada iyadoona mudo kadib diyaaradaasi ku bur burtay Jaziirad aan ka fogeyn garoonka ay markii hore ka duushay sida ay saraakiil booliis ku warameen.

Diyaarad nuuca dagaalka ah ayaa la sheegay in ay ceersatay diyaarada lagala baxsaday garoonka diyaaradaha ee Seattle, lamana oga wali in uu dhintay iyo in kale ninkii  diyaarada la baxsaday.

War kasoo baxay booliiska dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in aysan dhacdadan wax lug ah ku laheyn arimo argagaxiso, waxa ayna booliisku sheegeen in la yaqaano ninka diyaarada la baxsaday.

Muuqaalo lagu baahiyay Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa muujinayay Diyaarada lala baxsaday oo marba dhinac u duuleysa hawada sare kahor inta aysan bur burin, waxa ayna dhacdadan noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -