Dalkii 6aad ee ka tirsan qaarada Afrika oo laga helay cudurka Coronavirus

Qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay caabuqa Coronavirus ayaa lagu arkay dalka Koonfur Afrika, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka caafimaadka.

Wasiirka wuxuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in la xaqiijiyay subaxnimadii saaka in qofkaas uu qabo cudurka Corona.

Faahfaahin intaas dheer kama bixinin wasiirka qofka laga helay cudurkan iyo qaabka uu ku soo galay dalkaas.

Koonfur Afrika ayaa noqonaya dalkii 81aad caalamka ee laga helo cudurkan, sidoo kale waa dalkii 6aad Qaarada Afrika ee laga arko cudurkan, waxaana ka horeeyey dalalka Masar, Tunnisia, Algeria, Nigeria iyo Marooko.

Kumanaan qof ayaa dalalka caalamka qaarkood ugu dhintay oo illaa hadda aan la heynin dawo lagula tacaalo, halka ay la ildaran yihiin dad kale oo aad u fara badan.

Dalal badan ayaa joojiyey duulimaadyadii dalalka uu aad u sameeyey xanuunkan ee kala ah China,Iran,Italy koonfurta Kuuriya iyo Jabaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -