Axmed Madoobe oo AMISOM ka aqbalay qodobo uu ka diiday dowlada Soomaaliya

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ugu dambeyn lagu qasbay inuu ogolaado labo qodob oo uu aad u diidanaa kuwaasoo la xiriira doorashada ku soo wajahan maamulkaas sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Kismaayo.

Waxaa ka mid ah qodobadas in doorashada Madaxweynaha Jubbaland lagu qabto xarunta UN-ka ee Magaalada Kismaayo iyo in amniga goobta doorashadu ka dhaceyso ay sugaan ciidanka Booliska AMISOM iyo kuwa Jubbaland.

Ogolaanshaha qodobadan ayaa yimid ka dib Kulan shalay dhexmaray Axmed Madoobe iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa horey uga diiday dowlada Soomaalida labadan qodob ee uu hadda aqbalay taasoo dad badan aad uga yaabisay.

Kulankii shalay dhexmaray Axmed Madoobe iyo Taliyaha AMISOM oo aan loo ogolaan Warbaahinta ayaa markii uu dhamaaday waxaa saxaafada la hadlay Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -