Allbanaadir.com
NEWS

Wariyaal duubay Muuqaal uu si weyn uga carrooday Madaxweyne Afrikan ah oo Xabsi laga sii daayay

Saxafiyiin u dhashay dalka Koonfurta Suudaan ayaa xabsi laga sii daayay , kaddib muddo labo bil ah ay ku xirnaayeen xabsi ku yaalla Jubba ,iyagoo ku eedeysnaa in muuqaal carro dhaliyay ka duubeen madaxweynaha.

Labada Saxafi ayaa loo heestay in ay muuqaal ay ka duubeen Madaxweyne Salva Kiir Mayaradit oo Surwaalkiisa uu ka muuqday qoyaan Kaadi ah, taa oo si weyn uga carreesiisay madaxtooyada Koonfurta Sudan.

Madaxa ururka suxufiyiinta dalka Koonfurta Sudan, Patrick Oyet ayaa sheegay in Suxufiyiintaasi oo u shaqeeya Warbaahinta Dowladda ee SSBC ay xireen Askar dhar cad ah oo ka socday hay’adda ammaanka Qaranka, si Baaritaan loogu sameeyo Muuqaalka yar ee laga baahiyey Madaxweyne Salva Kiir.

Muuqaalka laga duubay sulwaalkiisa oo qoyan madaxweyne Salva Kiir ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada , waxaana muuqaalkaasi ka dhashay hadal heyn badan.

Related posts

Farmaajo maxaa la gudboon Hadii ay kasoo horjeestaan Rooble, Qoor Qoor iyo Guudlaawe?

Cabdi Cade

Dowlada oo talaabo ka qaadeysay dadkii fududeeyay in Maxaabiis ka baxsadaan Xabsiga Dhaxe

Cabdi Cade

Ilhaan Cumar oo taageertay dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---