Dagaal xooggan oo maalintii Saddexaad ka socda Laascaanood iyo Wararkii U Dambeeyay

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool maalintii saddexaad oo xiriir ah waxaa ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dadka deegaanka iyo ciidamada taabacsan maamulka Somaliland.

Ciidamada iska soo horjeeda ayaa saakay markii uu waagu baryay mar kale rasaas isku bilaabay, waxaana qeybo kamid ah magaalada laga maqlayaa dhawaqa rasaasta culus ay is dhaafsanayaan ciidamada iska soo horjeeda.

Labada dhinac ee dirirtu u dhaxeyso ayaa dagaalka maalintii saddexaad socda guulo ka kala sheeganaya, waxaana adag in la helo xaqiiqda dagaalka ka socda magaalada Laascaanood iyo cidda ku gacan sareysa.

Ciidamo gurmad ah ayaa soo kala gaaraya labada ciidan ee ku dagaalamaya magaalada Laascaanood, waxaana xaafadaha qaar ee magaaladaasi ku dhacaya madaafiic culus ay isku garaacayaan labada dhinac.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhasay dagaalka maalintii saddexaad ka socda magaalada Laascaanood, mana jirto tirakoob rasmi ah oo ilaa hadda lagu sameeyay khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -