DEG DEG: Farmaajo oo goor dhow khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad xasaasi ah u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed

Qoraal kooban oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo kaga hadli doono khudbadiisa xaaladihii ugu dambeeyey dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka” ayaa lagu qorala kooban oo ka soo baxay Villa Somalia

Lama oga waxyaabaha rasmi ahaan uu ka hadli doono farmaajo balse waxay arrintani ku soo aadeysaa xili magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay dhiilo colaadeed, isla markaana RW rooble iyo dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabele ay si cad uga soo horjeesteen muddo kororsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -