Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay Shir heerkiisu sareeyo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey Arrimaha bani’aadannimo ee dalka.

Mudane Saalax ayaa uga mahadceliyey hay’adaha caalamiga ah taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas ku daray in goobaha u baahan in deg-deg lagu gaarsiiyo gargaar ay ugu horreeyaan deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa xusay in weli ay jiraan dad badan u baahan in gurmad la gaarsiiyo, maadaama ay hantidoodii dhaafiyeen abaaraha iyo cunaqabateynta ay khawaarijtu saartay.

Shirkan oo ay fududeysay hay’adda Maareynta Maareeynta Masiibooyinka SODMA ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Gobolleedyada dalka, xubno ka socday Qaramada Midoobay, Deeq bixiyaasha, Safiirro iyo mas’uuliyiin ka socday hey’adaha caalamiga ah.

Related posts

Dowlada UK oo Baaq xasaasi ah kasoo saartay Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya

Cabdi Cade

Dowlada Turkiga oo ku gacan seyrtay dalab yaab leh oo kaga yimid Israel

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin oo codsi xasaasi ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---