(Akhriso) Somaliland oo war kulul ka soo saartay dagaalka ka socda Laascaanood

Maamulka Somaliland ayaa saaka war kulul ka soo saaray dagaal saaka mar kale ka qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasoo u dhexeeya Ciidanka Maamulka Somaliland iyo dadka degaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidanka Somaliland ay weerarka soo qaadeen, balse dib loo riixey iyagoo la kulmay iska caabbin adag, balse Maamulka Somaliland ayaa isna sheegtay in iyaga Wasiirradooda oo deggan duleedka magaalada lab soo weeraray

HOOS KA AKHRISO QORAAL KA SOO BAXAY WASAARADA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND OO LA XIRIIRA DAGAALKA SAAKA.

WAR-SAAFADEED

Saaka  subixii hore ayaa waxaa weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka iyo Xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada  Somaliland ee Magaalada Laascaanood, kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad  diidka ah ee ku sugan Magaalada.

Kooxa weeraka soo qaaday ayaa ah kuwii horey ay uga digtay Xukuumadda Jamhuuriyadda, waxaana ka mid ah kooxo xagjir ah, kuwaasoo magaalada ay soo geliyeen Garaadada Nabad diidka ah.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iska difaacay weerarka argagixiso waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul,  wixii khasaare dib ayay Xukuumadda ka sheegaysaa, inkastoo inta la ogyahay ay weerarkan ku dhaawacmeen laba askari.

DHAMAAD

- Advertisement -