Xiisad dagaal oo saaka ka taagan Magaalada Garowe iyo Tacshiirad la maqlayo

Xiisad dagaal oo la xiriirta diiwaan-gelinta doorashooyinka muranka uu ka taagan yahay  ee qof iyo cod ayaa ka aloosan saaka magaalada Garowe caasimada Puntland.

Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo diidan barnaamijka diiwaan-gelinta ayaa ku hareeraysan goobo loo qorsheeyay in lagu diiwaan-geliyo dadka

Tacshiirad goos goos ayaa laga maqlayaa nawaaxiga Jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool oo ka mid goobaha loo asteeyay diiwaan-gelinta halkaasoo ay isku hor fadhiyaan ciidamo diidan diiwaan gelinta iyo daacad u ah maamulka Madaxweyne Deni.

S/Guuto Jimcaale Jaamac Takar oo hogaaminaya Ciidamada diidan diiwaan-gelinta ayaa habeen ka hor digniin u jeediyay maamulka Saciid Deni.

Sida wararku sheegayaan Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa amar ku bixiyay in la sii wado diiwaan-gelinta.

Shacabka magaalada Garowe ayaa ka walaacsan xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada, iyagoo ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

 

- Advertisement -