Ayatollah Ali Khamenei oo ka duceystay kumanaan maxaabiis ah oo xirxiran

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay cafiska uu fidiyey Ayatollah Ali Khamenei kaas oo wata shuruudo

Cafiska ayaa ku beegmay xilli la xusayo sanadguuradii kacaankii Islaamiga ee dalkaa ka dhashay sanadkii 1979kii.

Bannaanbaxyo ayaa ka dillaacay bishii September ee sanadkii hore dalka Iran kuwaas oo ka dhashay markii Mahsa Amini ay ku dhimatay xabsiga iyadoo ay hayaan iidanka anshaxa ee dalkaasi.

Mahsa Amini oo 22 jir aheyd ayaa loo xiray in si aan habbooneyn ay xijaabkeeda u xirataytaas oo khilaafaysa xeerarka adag ee dhinaca lebiska haweenka ee dalka Iran.

Dowladda ayaa bannaanbaxyadii ka dhashay arrintaa ku tilmaantay kuwo ay ka dambeeyaan shisheeyaha iyadoo weli ay socdaan bannaanbaxyada loogana hortagayo awood ciidan.

Hay’adaha xuquuuql Insaanka ayaa sheegay in in ka badan 500 oo bannaanbaxayaal la dilay , kuwaas oo ay ku jiraan 70 carruur ah iyo iyaastii 20 kun oo qof oo xabsiga la dhigay

Bannanbaxyadii dalka oo dhan ka dhacayey ayaa hoos u dhacay tan iyo markii ugu horreysay ee la bilaabay in la dilo in la dilo bannaanbaxayaasha la qabto.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in cafiskan ugu dambeeye ee Ayatollah Khamenei uu ka dambeeyey qoraal ka yimid madaxa cadaaladda oo inta badan dadka xiran ku tilmaamay dad dhallinyaro ahoo ay saameeyeen dacaayadaha shisheeyaha sida uu yiri.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in tiro badan oo bannaabaxayaasha ay ay muujiyeen sida ay uga shalleynayaan arrintaa ayna cafis weydiisteen.

Laakiin kuwa lagu eedeeyey dambiyada culus sida in ay u jaajuusayeen hey’daha shisheeyha , dil ama burburinta hantida qarankalama sii deyn doono.

Tallaabooyinkaa ma gaarsiisnaan doonaan dadka labada dhalasho heysta ee xabsiga ku jira.

Sida uu qorayo qodobka 110 aad ee dastuurka Iran , hoggaamiyaha Srae ee dalkaasi wuxuu awood u leeyhay in cafis fidin karo isagoo waaxDA Caddaladda ka codsanaya arrintaa

Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay in kuwa soo galaya liiska cafiska laga rabo in ay soo qortaan qoraal ay ku sheegayaan in ay ka shalleynayaan wixii ay ku kaceen cafisna ay ku weydiisanayaan.

Source: BBC

- Advertisement -