Faahfaahin: Taliye Cabdirashiid Xiirey iyo askar kale oo lagu dilay qarax miino

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa qarax lagula eegtay  duleedka deegaanka Ceelaayo oo qiyaastii 30 Km galbeed ka xiga magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday miino lagu aasay wadada dhinaceeda.

Sida wararku sheegayaan Waxaa ku dhintay qaraxaas taliyihii Ciidamada degaanka ee Buuraha Calmadow oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Xiirey iyo mid kamid ah ilaaladiisa. tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamadan ayaa ku sii jeeday degaanka Durduri oo halkaas ku dhow, kaasoo ay Al-Shabaab ay sheegtay inay la wareegeen, hase yeeshee laamaha Amniga Puntland ayaa weli dhankooda ka hadlin weerarkaas iyo qaraxa lala eegtay Ciidamada.

Al-shabaab ayaa fariisimo ku leh degaano iyo buuraley Golis ee galbeed ka xiga magaalada Boosaaso, dhinaca kalena kaabiga ku haya gobolka Sanaag, halkaasna waxay ka geystaan weeraro ay la beegsadaan ciidamada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -