Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Pervez Musharraf oo geeriyooday, isagoo 79 jir ah (Daawo Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Pakistan Pervez Musharraf ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Dubai isagoo 79 jir ah, kadib markii uu muddo xanuunsanaa

Musharaf waxa uu xukunka kula wareegay afgembi aan dhiig ku daadan sannadkii 1999-kii, wuxuuna isku ahaa madaxa ciidamada Pakistan, madaxa fulinta iyo Madaxweynaha markii uu dhaceen weeraradii 9/11 ee Maraykanka.

Qiyaastii sagaal sano oo uu talada dalka hayay, Musharaf waxa uu Pakistan u horseeday kobac dhaqaale ah oo ay qayb weyn ka qaadatay gargaarka ballaaran ee Washington, si uu u taageero dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Waxaa isbaheysi la noqday Washington markii ay duullaanka ku qaadeen dalka ay dariska yihiin ee Afghanistan, isagoo ka badbaaday isku dayo dil oo dhowr ah.

Saraakiisha sare ee militariga Pakistan ayaa muujinaya tacsi tiiraanyo leh oo ku saabsan geeridii murugada lahayd ee General Pervez Musharaf.

 

 

Related posts

War cusub oo ka soo kordhay kursiga Hoganka AU ee Somalia u tartameyso (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tegay Bangiga dhexe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalkii ka qarxay Baladweyne iyo sida had xaal yahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---