(Sawirro) Kacdoon ka dhan ah Maamulka Somaliland oo ka curtay Magaalo kale

Banaanbax ay dhigayeen dadweyne ka careysan dil ay ciidamada Somaliland u geysteen qof shacab ah ayaa ka dhacay Magaalada Ceelafweyn oo katirsan Gobolka Sanaag.

Wararka na soo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in dadka banaabaxa dhigayey oo careysnaa qaarkood ay siteen Calanka Soomaaliya iyagoo ku qaliyeynayey inay aysan doonayn Ciidanka Soomaliland ee degaanka ku sugan oo ay ku eedeeyeen iney dilal badan u geysteen dad shacab.

Dilalka ka dhacaya Magaalada Ceel afweyn waa kuwo qorsheysan oo la doonayo in dadka lagu dhibaateeyo sida ay qabaan Xildhibaano ka tirsan kuwa Somaliland balse laga soo doorto Gobolka Sanaag.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Xukuumadda Somaliland inay tallaabo ka qaado Ciidamada dadka dhibaateynaya iyo cid kasta oo liddi ku ah amniga Magaalada.

Ceel-Afweyn oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa noqoneysa magaaladii labaad ee ay ka dhacaan dibed baxyo ka dhan ah Somaliland dhawaan ayeyna aheyd markii shacab ka careysnaa dilalka ay Magaalada Laascaanood ka dhigeen bannaannaxyo rabshado watay oo socday muddo 10 cisho, kuwaasoo sababay in ciidamada Somaliland isaga baxaan Magaalada, waxaana dibed baxyadaas lagu dilay dad fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -