Doon u rarneyd ganacsato Soomaali ah oo ku degtay Badweynta India

Doon ku soo jeeday magaalada Boosaaso oo badeeco ka soo qaaday deked ku taalla dalka Cummaan ayaa la sheegay inay ku degtay badweynta Hindiya.

Doonidan oo laga lahaa dalka India ayaa lagu magacaabay Cabdikariin, waxaana maqribnimadii shalay ay ku degtay meel u dhow dekedda Salala ee dalka Cuman.

Shaqaalihii doonta saarna oo tiradooda lagu sheegay 10 ayaa la badbaadiyey, hase yeeshee waxaa lagu waayey hanti badan.

Qaar ka mid ah ganacsatadii ay u rarneyd doontan ayaa sheegay iney waday ku dhawaad kun tan oo isugu jiray bagaash iyo raashiin, laguna qiimeeyey malaayiin dollar.

Waxay intaa ku dareen in doonta ay si lama filaan ah ku degtay wax yar ka dib markii ay ka soo furatay deked ku taalla dalka Cummaan, sababtana lama oga, iyadoo aysan aheyn markii ugu horeysay ee doon u rarneyd ganacsato Soomaali ah ku degto badweynta India.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -