Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuu xabsiga dhigo Axmed Madoobe

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dalka inuu xabsiga u taxaabo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo haatan ku sugan Muqdisho.

“Madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeeyay afartii sano ee aad dalka xukumeysay jecel dalka wanaagiisa Tixgali cadsiga intaan Meesha fadhisa Axmed Madoobe Xabsiga ha u hoydo.” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo maamulka Axmed Madoobe si weyn uga horjeeda.

Wuxuu intaasi ku daray Xildhibaanku in Axmed Madoobe  uu yahay dembiile dad badan laayey ayna dacwad ka taallo, loona baahan yahay inuu wajaho Cadaalada.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sidoo ku eedeeyey Axmed Madoobe  inuu si xaq-darro ah iyo awood ku heysto xilka Jubbaland, isla markaana la gaaray xiligii shacabka laga hor wareejin lahaa.

Madaweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho jooga maalmahan si uu uga qeyb shir lagu wado inuu u furmo madaxda DF, Jubbaland iyo Puntland, kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka iyo qaabkii ay u qabsoomi lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -