Muxuu Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay Musharaxiinta K/Galbeed (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.

Waxaa uu kala hadlay ka guul gaarida Shirka Dib u Heshiisinta Koonfur Galbeed oo gogoshiisa taalo magaalada Baydhabo wajigiisa labaad oo maanta si rasmi ah u furmay.

Sheekh Aadan ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS ku bogaadiyay sida hufnaanta leh ee ay uga qeyb galeen wajigii koowaad ee shirka isla markaana Guddiga Farsamada gacan ku siiyay sidii uu u qabsoomi lahaa shirka lana xaliyey shaqaaqooyinkii dhacay ayaa siyaasiyiinta la wadaagay in wajiga labaad ee shirka si rasmi ah u furmay maanta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa saaka ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo diirada lagu saari doono xasiloonida siyaasada iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyadoo lagu wado in wajiga 2aad ee dagaalka ka bilawdo deegaanada Koonfur Galbeed.

 

 

- Advertisement -