António Guteres oo Magacaabay ku-simaha Wakiilka Q/Midoobay ee Somalia (UNSOM)

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa George Conway u magacaabay inuu noqdo  ku-simaha ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee (UNSOM).

Mr. George Conway oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Canada ayaa sidoo kale wuxuu ahaan doonaa isku duwaha howlaha bini-adanimada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Mr. George Conway ayaa ah nin khibrad wanaagsan uleh howlaha Qaramada Midoobay ay ka qabato Soomaaliya, wuxuuna sanadon badan ka soo shaqeeyey howlaha Qaradamada Midoobay, isagoo  soo noqday La-taliyaha Istaraatijiyadda ee Xafiis Gobaleedka UNDP ee Qaaradda Afrika.

Ku-simaha Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Mr. Conway ayaa dhashay sanadkii 1970,wuxuuna heystaa shahaadooyinka heerka jaamacadeed oo kala labo Master ee Arts degress oo uu ka qaatay Jamaacadda Carleton University iyo Jamaacadda Kale ee University of Western Ontario iyo sidoo kale Shahaado Bachelor oo ah Arts oo uu ka qaatay jaamacada Winnipeg oo ku taalo dalka Canada.

Mr. Conway ayaa xilka kala wareegay Peter de Clercq oo u dhashay dalka Netherlands, kaasoo uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu mahad celinayo dadaalka iyo howlaha wanaagsan uu ka qabtay Soomaaliya mudadii uu xilka hayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -