Dowlada Mareykanka oo shacabkeeda uga digtay iney booqdaan 19 dal & Somalia oo..

Muwaadiniinta Maraykanka oo looga digay inay u safraan dalal ay Somalia ka mid tahay

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka (US State Department) ayaa soo saartay Liiska 19-ka dal ee ugu sareeyo ee aan Amman u ahayn inay dadka Maraykanka u socdaalaan.

Digniinta Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxaa 19-kaasi Waddan laga dhigay Heerka ugu khatarsan ee Digniinaha Casaanka ee dhanka Socdaalka ee ah Ha u safrin (Do Not Travel).

Liiska Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ku astaysay 19-ka Waddan ee aan Ammaanka u ahayn dadka Maraykanka inay booqdaan waxay kala yihiin:

1- Venezuela,

2- Iraq,

3- Somalia,

4- Haiti,

5- Ukraine,

6- Afghanistan,

7- Yemen,

8- Syria,

9- Sudan,

10- South Sudan

11- Kuuryada Waqooyi (North Korea),

12- Libya,

13- Iran,

14- Burma (Myanmar),

15- Raashiya,

16- Mali,

17- Afrikada Dhexe (Central Africa Republic),

18- Burkina Faso,

19- Belarus

Dhanka kale, Digniinta Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ka soo saartay inaysan Muwaadiniintooda Socdaal ku tegin dalka Somalia, waxay xustay inay Somalia ka jiraan Dembiyo, Argagixiso,  Deganaanaho La’aan, Arrimaha Caafimaadka, Afduib iyo Burcadda Badda.

Warbixinta USA State Department waxaa kaloo Digniinta dhanka Socdaalka waxay kaloo ku sheegtay inay Dembiyada Colaadaha, sida Afduubka iyo Dilalka ay caadi ka yihiin guud ahaan dalka Somalia oo ay ku jiraan Goballadda Puntland iyo Somalia, waa sida lagu xusay Digniinta Socdaalka ee Maraykanka.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay Somalia ka jiraan Jid-gooyooyin aan Sharci ahayn, waxay kaloo ka digtay Argagixiso iyo dalalka Afduubka, waa sida lagu sheegay Digniinta Socdaalka ee ku socota Muwaadinta Maraykanka.

Si kastaba,  Digniinta dhanka Socdaalka ee ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka soo saartay ayaa waxay soo baxday dhowr cisho ka hor Safarka ay Danjiraha Dowladda Maraykanka u joogta QM, Amb. LindaThomas-Greenfield shalay oo Axad ahayd ku timid magaalladda Muqdisho.

Qalinka: Ustaad Nuradin Ahmed Dini

- Advertisement -