Diyaarad Ruushka laga leeyahay oo lagu weeraray Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Wakaallada wararka Raashiya NOVOSTI ayaa sheegtay in diyaarad Helikobtar oo ay leedahay shirkadda UTair Corporation Helicopter lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu.

Wakaalladda wararka RIA NOVOSTI waxay warkan oo ay xalay daabacday ka soo xigatay safaarada Raashiya ku leedahay dalka Jabuuti in la weeraray Helikobtar ay leedahay shirkad Raashiyaan oo lagu magacaabo UTair.

Helikobtar la weeraray waxaa la tilmaamay inay ka qeyb galaysay hawlaha samafalka sadminimo ee taabacan hay’adda Qaramada Midoobau, waa sida hadalka loo dhigay.

Safaarada waxay xustay inay ururka Al Shabaab ka dambeeyeen weerarkaasi oo bishan January 23-da dhacay, balse kooxda Al Shabaab weli kama aysan hadlin arrintaasi.

Sida laga soo xigtay safaarada Raashiya ee Jabuuti, diyaaradda Helikobtarka waxaa la weeraray xilli ay ku sugnayd garoonka Aadan Cadde , oo ay sugaysay ka-qeybgalka hawlaha duullimaadka hawada ee ergada samafalka aadminimo QM ee ku sugan Soomaaliya.

Safaaradda waxay shaacisay inay waxyeelo fudud soo gaartay diyaaradda, mana jiraan waxyeelo nafeed, iyadoo ay duuliyayaasha Raashiyaanka ay si caadi ah u wataan hawlahooda, waa sida Hadalka loo dhigay.

Sida ay wakaallada wararka ee RIA NOVOSTI ka soo xigatay Safaaradooda ku taalla dalka Jabuuti waxaa haatan socda Baaritaanka arrintaasi.

W/T staad Nuradin Abukar
Xigasho: Wakaallada Wararka NOVOSTI

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -