Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynayaal Muqdisho kusoo wajahan iyo Wafdi horudhac u ah oo maanta yimid

Madaxweynayaasha dalalka deriska ee ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan soo gaaran magaalada Muqdisho, kuwaa oo ka qeybgalaya shir madaxeed amniga dalka iyo waddamada dariska looga hadlayo.

Waxaa maanta Muqdisho soo gaaray wafdi horudhac u ah madaxda dalalka dariska ee Muqdisho imaanaya, waxaana wafdigii ugu horeeyay ee kasoo degay garoonka Aadan Cadde noqdeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada ee dalka Jabuuti.

Shir madaxeed Muqdisho ka furmaya ayaa looga hadlayaa amniga iyo  u diyaar garowga qorshaha ATMIS dalka looga saarayo marka waajibaadkooda dhamaado dhammaadka sanadka 2024 iyo taageerida dagaalka dowladdu ku qaaday Al-Shabaab.

Madaxda ciidankooda ka joogaan Soomaaliya ayaa la filayaa in ay taageeraan howlgalka ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ka wadaan qaar kamid ah gobolada dalka , sidoo kale ciidankooda ku biiriyaan howlgalka socda.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaana si weyn loo adkeenayaa inta shirka ka socdo magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in la xiri doono waddooyin badan oo kuyaalla caasimadda ayna suurtogal tahay in goobaha qaar bandow lagu soo rogo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Baydhabo (Akhriso)

Cabdi Cade

Xildhibaano Haween ah oo katirsan Baarlamaanka Kenya oo lagu heesto lacago badan !!

Cabdi Cade

Benjamin Netanyahu oo isaga oo xafiiska fadhiya Dacwado kala duwan lagu soo oogay

Cabdi Cade