Daawo Sawirada: Xarun loogu tala galay Agoonta ciidanka Booliska oo maanta xariga laga jaray

Waxaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray xarun loogu tala galay in lagu xanaaneeyo waxna lagu baro caruurta ay ka geeriyoodeen askarta katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale uu wehliyo ku simaha Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa xariga ka jaray xaruntan loogu tala galay agoonta booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabada Xaruntan cusub xariga looga jarayay waxaa ku sugnaa qaar kamid ah caruur agoon ah ay ka geeriyoodeen aabayaashood oo katirsanaa booliiska Soomaaliya, waxaana caruurtaasi loo xiray dareeska ciidanka booliiska.

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwam ee xaruntan gaar ahaan qolalka jiifka loogu tala galay caruurta agoonta iyo goobaha kale ee wax lagu barayo.

Xaruntan cusub ee lagu xanaaneenayo caruurta agoonta ha ee aabayaashood katirsanaayeen ciidanka booliiska ayaa loogu magac daray Taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka booliiska Soomaaliya  S. Guuto Maxamed Abshir Muuse.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -