Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Cadaado oo kasoo horjeeda Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna iyo Xildhibaanada Beeshaashi oo lagu amray in aysan…

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u heyd maamulka Galmudug ayaa sheegaya in waxgaradka beesha Degta magaaladaasi ee reer Xaaji Saleebaan iyo Siyaasiyiin ay kasoo horjeedaan heshiiska Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Waxgaradka Beesha Cadaado ayaa diidan in ay ka qeyb galaan munaasabada lagu dhameestirayo heshiiska Galmudug iyo Ahlu Suunna oo maanta la filayo in uu ka dhaco magaalada Dhuuso Mareeb.

Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka ay ku jiraan Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, Senator Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Axmed Fiqi, C/xakiin Macalin, Xildhibaan Abtidoon Yare ayaa kulamo la qaatay Waxgaradka Cadaado.

Kulan saacado badan qaatay oo socday ilaa xalay saqdii dhaxe ayaa la sheegay in wax natiijo ah uusan kasoo bixin kadib markii Xildhibaanada ku fashilmeen in Waxgaradka ay la kulmeen ka dhaadhiciyaan in Shirka Dhuuso Mareeb ka qeyb galaan.

Waxgaradka Beesha Saleebaan ee la kulmay Xildhibaanada ayaa si cad u diiday in ay ka qeyb galaan Shirka Dhuuso Mareeb, waxa ayna ku baaqeen marka hore in la fuliyo qodobo shuruudo ah ay wataan.

Sida aan Wararka ku helnay Waxgaradka Cadaado ayaa ku amray Wasiirada iyo Xildhibaanada beesha Saleebaan in aysan ka qeyb galin Munaasabada dhameestirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ee ka dhacaya Dhuuso Mareeb.

Xildhibaanadii kale ee Cadaado u joogay wadahadalka Waxgaradka ayaa saakay u ambo baxay magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana Cadaado ku haray Xildhibaanada Beesha Saleebaan ku matala dowlada kuwaa oo kala ah Abshir Bukhaari, Abtidoon yare iyo sidoo kale Wasiir Qoor Qoor oo Xukuumada Somalia katirsan.

Khilaafkan siyaasadeed ee kusoo kordhay Galmudug ayaa u muuqda caqabad kale oo maamulkaasi lasoo gudboonaaday kadib heshiiskii maamulka la gaaray Kooxda Ahlu Sunna ee ka talisa Dhuuso Mareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Elon Musk oo shaqaalaha Shirkadda Twitter ku soo rogay amar cusub oo yaab leh

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo boggaadiyay xildhibaannada labada Aqal baaq cusubna u diray

Cabdi Cade

Wasiiru Dowlaha Amniga oo kormeer ku tagay Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda (Sawirro)

admin