Dadka Shiinaha oo looga digay Nacnac noloshooda halis u keeni kara !! (Daawo Sawirada)

Dhaqaatiir u dhalatay dalka Shiinaha ayaa ka digay isticaamlka Nacnac u muuqaal eg Leerka ama nalka oo si weyn looga isicmaalo dalka Shiinaha.

Dadka isticmaala baraha bulshada ee ku dhaqan dalka Shiinaha ayaa bilaabay in ay isku xujeestaan in nacnacan hal mar afka lawada galiyo kadibna la isku sawiro, taa oo la tilmaamay in halis ka dhalan karto.

Dhaqaatiirta dalka Shiinaha ayaa ka digay halis ka imaan karta nacnacan halka mar afka lawada galin karo, waxa ayan dhaqaatiirtu sheegeen in uu sababi karo nacnacan in qofka ku margado ama neefta ku celiyo.

Dr Xiao Cheng oo ka tirsan dhaqaatiirta shiinaha ayaa waalidiinta uga digay in nac nacan caruurtooda u iibiyaan, waxa uuna sheegay dhaqtarka in halis keeni karo xujada lagu sameeyo nacnacan ee halka mar afka lawada galinayo.

Nacnaca cusub ee halistiisa dhaqaatiirta ka digayaan ayaa waxa uu dherer ahaan la’egyahay 10cm, halka dhumuc ahaana uu dhan yahay 6cm. waxaana xusid mudan in dadka intooda badan ayaa afkooda kala qaadi kara 4 cm oo kaliya,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -