Muuqaal lagu baahiyay Baraha Bulshada oo Cabsi ku beeray Maamulka iyo Bulshada Somaliland

Dagaalyahano katirsan Kooxda Xuutiyiinta ee ku xoogan gudaha dalka Yaman ayaa ku hanjabay in gantaalo ku weerari doonaan deegaanada maamulka Somaliland gaar ahaan magaalada Dekadda leh ee Berbera.

Baraha Bulshada ayaa lagu baahiyay Muuqaal ay soo duubeen dagaalyahano katirsan Xuutiyiinta, waxa ayna sheegeen in ay ka warqabaan in Imaaraatka Saldhig Milatari ka furanayo magaalada Berbera.

Waxa ayna sheegeen dagaalahano katirsan Xuutiyiinta in ay hayaan xogta Saldhiga Milatari ee Imaaraatka ka furanaya Berbera iyo dhaq dhaqaaqa halkaasi kawadaan xulufada Imaaraatka, waxa ayna tilmaameen in taasi dhaawaceyso amniga Somaliland.

Muuqaalkan baraha bulshada lagu baahiyay ayaa cabsi badan ku beeray maamulka iyo Shacabka Somaliland, waxa ayna dadku aad u hadal hayaan in ay suurto gal tahay in Xuutiyiinta duqeeyaan Dekadda iyo Garoonka Berbera.

Xuutiyiin Yaman oo dagaal kula jira Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa horey u duqeeyay dalka Sacuudiga, waxaana suurto gal ah in kooxdaasi ay duqeeyaan saldhiga Milatari ee Imaaraatka ka furnayaan magaalada Berbera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -