Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo iyo Masuuliyiin kale oo ka falceliyey Raisul Wasaaraha la Magacaabay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaraaha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajaynayaa in uu Eebbe u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay, aniga oo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka codsanaya in ay codkooda kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad sii ambaqaadda horumarka dalka ka socday”.ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Xamze Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u diraya Xildhibaan Xamze Cabdi Barre oo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, u magacaabay Ra’iisal Wasaaraaha Xukuumadda JFS”  Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa u rajeeyay Ra’iisal Wasaaraha cusub in alle u fududeeyo masuuliyadda “Waxaan Ra’iisal Wasaaraha cusub u rajeynaya in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale madaxda Hirshabelle, Koonfur galbeed Jubbaland iyo Galmudug ayaa hambalyo u diray raisul wasaaraha cusub

Related posts

Qarax xooggan oo Is-miidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Dowlada Eritrea oo bilowday qabqabshada dhalinyarada sida qasabka ah loo askareynayo

Caydiid Ali

Maxkamad ka laabatay Xukun adag oo ay horey ugu riday nin katirsanaa Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---