Labo ruux oo maanta lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado hubeesan ayaa maanta salaado jimcaha kadib labo ruux oo shacab ah waxa ay ku dileen laamiga ka yimaada Xaafada Daaru Salaam ee katirsan magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay labada ruux ee la dilay oo watay gaari nuuca raaxada ah ayaa ka yimid xaafada Daaru Salaam , waxaana markii la dilayay lagu horgooyay mooto kadibna waxaa lagu furay rasaas xoogan.

Kooxaha hubeesan ayaa markii ay xaqiijiyeen in ay geeriyoodeen labada ruux goobta isaga tagay, waxaana labada qof ee la dilay mid kamid ah uu katirsanaa Shaqaalaha Bangiga Salaam.

Wali lama oga cida ka dambeysay dilka loo geestay labadan ruux ee shacabka ah, waxa ayna arintan daba socotaa dilal maalmihi lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho oo qaarkood loo geesanayay shaqaalaha Shirkada Hormuud.

Ciidamada amaanka ee dowlada ugu tala gashay xaqiijinta amaanka caasimada ayaa ku guul dareestay in ay ka hortagaan dilalka qorsheesan ama soo qabtaan kooxaha hubeesan ee dilalkaasi geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -