Al Shabaab oo war kasoo saartay dil loo geestay Cabdullaahi Cali Cumar

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa ay ku dileen Cabdullaahi Cali Cumar oo ahaa Maareeye ku-xigeenkii Shirkada Isgaarsiinta Golis .

Lama oga ilaa hada cida ka dambeysay dilka loo geestay Cabdullaahi Cali Cumar oo kamid ahaa ganacsatada ugu caansan deegaanada Puntland, waxaana baxsaday ragii dilkan ka dambeeyay.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey isaga fogeeyeen in iyagu ka dambeeyeen dilka ganacsadahan xalay loogu geestay magaalada Boosaaso, waxa ayna Shabaab sheegeen in dagaalyahanadooda aysan wax lug ah ku laheyn dilkaasi.

“Waan Maqalnay Falka dilka ah ee xalay ka dhacay Boosaaso ee loo geystay mid kamid ah ganacsatada gobolka , mana jiro wax lug ah oo ciidamadeenu ku leeyihiin dilkaas” ayuu yiri sarkaal katirsan Shabaabka ka dagaalama Buuraha Galgala.

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheesan oo lee geesto ganacsatada, waxgaradka iyo masuuliyiin katirsam maamulka Puntland, waxaana inta badan baxsada kooxaha dilalkaasi geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -