Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada oo meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda (Sawirro)

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu meel mariyay xeerar iyo heshiisyo golaha loo soo gudbiyay.

Golaha ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed

Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo la xiriira arrimaha maalgashiga iyo horumarinta dhallinyarada oo ay xukuumaddu gashay, kuwaas oo kala ah; Heshiis Is-Af-garad iyo iskaashi ee dhinacyada Maalgashiga, Aqoonta & Horumainta Xirfadaha oo ay gaareen (Soomaaliya & Suudaan) iyo Heshiis Is-Af-garad ee Arrimaha Dhallinyarada oo ay galeen ( Soomaaliya & Qatar).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo soo saaray Wargalin ku socota Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Laftagareen oo dhiirigeliyey ciidankii saaka laayey Al-Shabaab

Caydiid Ali

Saraakiil ka tirsan Maxkamadda dambiyada ee ICC oo cuno qabateyn la saaray (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---