Kumuu ahaa Bilaal-al-Sudani oo ciidamada Mareykanku ku dileen Somalia?

Maraykanka ayaa sheegay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, kadib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal-Miskaad ee ku yaalla maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinten toban kale, inkastoo Maraykanku uu doonayey inuu qabto, balse ay maleeshiyaadka la joogay falcelis sameeyeen.

Halwgalkan ayaa Maraykanku sheegay inaanay waxba ku noqonin ciidamada Maraykanka. Maraykanku waxay sheegeen inay fulinta howlgalkan ku wargeliyeen dawladda Soomaaliya.

Bilaal Al-Sudani ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa shaqsi muhiim u ah maalgelinta iyo ballaarinta kooxda Islaamiga ah ee ka dagaalanta Afrika iyo meelo ka baxsan.

“Bilaal waxaa uu ahaa xubin muhiin ah oo firfircoon buu ahaa, saameyna dilkiisa wey ku yeelaneysaa kooxda sababtoo ah wuxuu ahaa ninka dhaqaalaha u qaabilsan daacish-ta Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika marka maaddaamaa la dilay, kooxda wiiqitaan badan baa ku imaanaya waana guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Col. C/waaxid Maxamuud Xasan oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Puntland.

Al-Sudani oo ay sanado badan isha ku hayeen saraakiisha sirdoonka Mareykanka, ayaa door muhiim ah ka qaatay in lagu maalgeliyo howlgallada IS ee Afrika iyo sidoo kale ISIS ee ka howlgala Afgaanistan, sida uu sheegay Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka, Lloyd Austin.

Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa sannadkii hore ku eedeysay Al-Sudani inuu si dhow ula shaqeeyay sarkaal kale oo ka tirsan IS, oo la yirahdo Cabdalla Xuseen Abadigga, kaasoo dhallinyaro ka qoray Koonfur Afrika una diray xero lagu tababaro.

Maraykanka ayaa sanadkii 2012 cunaqabateyn saartay al-Sudani oo markaa loo haystay inuu dagaalyahannada ajaaniibta ah geeyo xarumo tababar oo uu leeyahay ururka Al-Shabab. Waxa uu markii dambe ku biiray Daacish.

“Daacish-ta Soomaaliya waxay ka hawl galaan oo ay saldhigyo ku leeyihiin buuraha Calmis ee ku yaalla Waqooyi bari ee Soomaaliya,  halkaas oo u ah istaraatiji muhiim ah sababtoo ah waxay isku xirtaa Gacanka Cadan, Afghanistan iyo Afrika,” ayuu yiri Col. C/waaxid Max’uud Xasan.

 

- Advertisement -