Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun adag ku riday 36 nin oo Ajaaniib ah

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maalmihii lasoo dhaafay mashquul ku aheyd dhageysiga dacwadaha loo heesto 36 eedeysane oo ajaaniib ah, ayaa maanta xukunno adag ku riday ragaasi ajaaniibta ah.

Ajaaniibtan ku xiran magaalada Muqdisho ayaa ahaa rag si sharci darro ah uga kaluumeesanayay xeebaha dalkeena, waxaana ragan markii lasoo qabanayay doonyo ay wateen ku jalaabteen kalluun aad u badan.

Maxkamadda gobolka ayaa ragan ku xukuntay in ay bixiyaan midkiiba lacag dhan 11 kun oo dollar oo ganaax ah, 30 kun oo dollar oo magdhow kalluunkii ay Soomaaliya ka qaateen ah, doomahii iyo qalabkii kalluumeysi ee saarnaa iyo sidoo kale kalluuunkii lagu qabtay .

Ajaaniibtan xukunka  ku dhacay ayaan la ogeyn sida ay ugu fududaan doonto bixinta lacagtaasi lagu xukumay in ay bixiyaan, waxa ayna maxkamadda gobolka uga digtay ajaaniibta kale ee badeena sharci darrada uga kaluumeesta in ciqaab adag la kulmi doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaabiis Soomaali ah oo laga soo dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan cadde (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo baaq kasoo saartay xaalada adag ee ka taagan magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Meydka nin si xun loo dilay oo lagu arkay Xaafad katirsan Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---