Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo labo arrimood uga Mahadceliyay Sacuudiga (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Saalax Al Mowliid.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Mudane Xamse ayaa ka mahadceliyay doorka Boqortooyada ee arrimaha la xiriira horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimo, waxa uuna sheegay in Sacuudiga u muujiyya Soomaaliya garab istaag..

Safiirka Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhankiisa uga mahadceliyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta loo sameeyay, waxa uuna ballanqaaday in dowladda uu wakiilka ka yahay xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -