Xog cusub oo kasoo korortay Weerarkii Xarunta G/Banaadir iyo qofka la doonayay in lagu dilo

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku galay xarunta maamulka gobolka Banaadir, waxaana gudaha xarunta ka dhacay dagaal saacado socday oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kooxda Al Shabaab.

Shan dagaalame oo katirsan Al Shabaab ayaa qaraxa ismiidaaminta kaddib galay gudaha xarunta dowladda hoose, waxaana la sheegay in raga hubeesan durbadiiba abaareen xafiiska guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maamliyadda gobolka Ciise Guure.

Sida aan xogta ku helnay ilaalada Ciise Guure oo feejignaan ku jiray xilligaasi ayaa rasaas ku  furay dhinaca dableydii hubeesneed ee kusoo socotay, kuwaa oo markii fashilmeen bedelay jihadooda una weecday qeybo kale oo xarunta gobolka katirsan.

Xilliga weerarka dhacayay waxaa xarunta maamulka gobolka Banaadir ku sugnaa Ciise Guure oo ahaa ku simaha guddoomiyaha gobolka iyo xoghayaha maamulka , waxaana xarunta ka maqnaa guddoomiye Madaale oo safar jiray iyo kuxigeennada kale.

Xogo la helayo ayaa sheegaya in ujeedka weerarka lagu qaaday xarunta dowladda hoose aheyd in lagu qaariyo guddoomiye Ciise Guure oo la sheegay in siyaasad ahaan isku dhacsan yihiin masuuliyiin kale oo katirsan maamulka sare ee gobolka.

Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa la sheegay in ammaankeeda la adkeeyo marka uu joogo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale , halka marka uu maqan yahay ay ciidamada ilaaladiisa iyo kuwa kale ee ammaanka suga xarunta ka daneestaan.

Weerarka Al Shabaab ku galeen xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaana u muuqday mid la fududeeyay oo gacmo kale oo Shabaab ka baxsan ku lug lahaayeen, mana jirto ilaa hadda cid baaritaan rasmi ah ku sameesay weerarkan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa horey loogu dilay qarax la fududeeyay oo ka dhacay gudaha xarunta maamulka , mana jiraan inta badan baaritaano rasmi ah oo lagu sameeyo weerarada halista ah ee dhaca.

- Advertisement -