Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali badan oo si arxan daro ah loogu dilay deegaan ku dhaw Webiga Awash

Wararka aan ka heleyno dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dad Soomaaliyeed oo xoolo dhaqato ah lagu laayay deegaan katirsan dowlad deegaanka Canfarta sidoo kale xoolo badan ay dadkaasi wateen lagu dhacay.

Inta la xaqiijiyay todobo qof oo xoolo dhaqato Soomaali ah ayaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo  Hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash ee mara deegaanka Canfarta, weerarkan ayaa sidoo kale lagu dhaawacay dhoor qof oo kale.

Weerarkan dadka Soomaalida ah lagu beegsaday ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad Canfarta kasoo jeeda, waxaana xoola dhaqata Soomaaliyeed xilliga la dilayay la sheegay in wabiga Awash u aroorayeen.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xili ay socdeen dedaalo xal looga gaarayay colaad soo noq noqotay oo u dhaxeesay xoolo dhaqatada Soomaalida iyo kuwa Canfarta, waxaana weerarkan laga cabsi qabaa in mar kale colaad hor leh abuuro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heyadda UNHCR oo fulisay codsi kaga yimid 125 Qaxooti Soomaali ah

Caydiid Ali

Musharaxiinta Mucaaradka oo qaadacay liiska xildhibaana cusub lagu dhawaaqay

Cabdi Cade

Weerar goordhaw lagu qaaday Xarun Hay’ada Save The Children leedahay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---