Meydka Sargaal Kenyan ah oo la tuhmayo in ay dileen Al Shabaab oo la helay

Deegaan katirsan Gobalka Lamu ee kuyaala Xadka Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan ayaa laga helay meydka sargaal katirsanaa booliiska dalka Kenya oo si arxan daro ah loo dilay.

Sargaalka meydkiisa la helay ayaa mudo la la’aa halka uu jaan iyo cirib dhigay, waxaana ugu dambeyn la helay meydkiisa isaga oo laga jaray qoorta iyo mid kamid ah labadiisa gacmood.

Sarkaal u hadlay booliiska dalka Kenya oo lagu magacaabo Hilary Mutyambai ayaa dilka sargaalkan meydkiisa la helay ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxda Al Shabaab, waxa uuna sheegay in sargaalka laga qaatay qoraygii uu ku howl galayay.

Waxa uu sheegay sargaalkan u hadlay booliiska dalka Kenya in ay kordheen weerarada gaadmada ah ama sida qarsoodiga ah loogu dilo gudaha dalkaasi saraakiisha iyo askarta katirsan ciidamada Kenya.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro gaadmo ah oo isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah ka fulisay deegaano hoostaga Lamu, waxaana sanadkan kaliya deegaano kuyaala xadka Soomaaliya Al Shabaab ku dileen in ka badan 40- xubnood oo katirsan laamaha amaanka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -