Allbanaadir.com
NEWS

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Qarax nuuca miinada hoosta looga xiro baabuurta ayaa saakay ka dhacay agagaarka isgooska Siinay ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa gaariga loogu xiray nin dhallinyaro ah oo xilligaasi watay.

Gaariga qaraxa lagu xiro oo ahaa nuuca raaxada ayaa waxaa watay nin dhallinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Abaas Daa’uud Xasan, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ninkan uu ahaa sargaal ciidan oo katirsan dowladda.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa dhaawac waxa uu kasoo gaaray ninka gaarigiisa loogu soo xiray, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray oo baaritaano ka sameeyay ciidamo katirsan dowladda.

Qaraxyada baabuurta hoosta loogu soo xiro ayaa muddooyinkii dambe ku yaraaday magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan inta badan waxyeelo kasoo gaartaa darawalka gaariga wada oo inta badan qaraxa lagu xiro hoostiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askar lagu laayey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Bannu (Sawirro)

Caydiid Ali

Sharuudaha kamid noqoshada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lasoo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Booliska DF oo faahfaahin ka bixiyey walaalihii xalay lagu dilay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---