Madaxweyne Qoor-qoor oo Magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xeer soo baxay oo ku astaysan 26 Agoosto,2020 ku Magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug

Markuu arkay Qod:6aad ee dastuurka DGM ee qeexaya sarreynta sharciga.
Markuu arkay: Qod.18aad ee dastuurka DGM ee qeexaya dhawrista xaquuqda eedeysanaha.

Markuu arkay: Qod:46 ee qeexaya awoodaha madaxweynaha.

Markuu arkay: Qod:60aad,61aad iyo 62aad ee dastuurka DGM ee xeerinaya garsoorka Galmudug.

Markuu helay soojeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGM
Markuu garowsday: baahida deg deg ah ee loo qabo dhisidda hay’adda xeer ilaalinta ee DGM

Markuu la tashaday: madaxweyne ku xigeenka DGM

Wuxuu soo saaray xeerkaan:

Qodobka 1aad

Waxaa loo magacaabay Mudane: Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee DGM

Qodobka 2aad

Xeerkan wuxuu dhaqangalayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo waana saxiixay.

Cabdicasiis Nuur Xuseen ayaa ka mid ahaa garsoorayaasha Maxkamada gobolka Banaadir sanadihii ugu dambeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -