Nin 50 jir ah oo isku daldalay degaan hoos taga Magaalada Dhuusamareeb (Sababta)

Nin magaciisa lagu sheegay Cabdi Faarax Xasan Gurey oo 50 jir ahaa ayaa isku daldalay maanta Degaanka Balli-cad oo hoostaga Magaalda Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud

Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu xarig qoorta iskaga xiray ka dibna geed iska soo laalaadiyay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ninkan is daldalay uu hayay xanuun dhanka maskaxda ah oo mararka qaar qaban jiray, kaasoo loo badinayo sababta keentay inuu nafta iska jaro.

Degaano ku yaalla gudaha Somalia ayaa sanadihii ugu dambeeyey ku soo badanayey dhacdooyinka la xiriira dadka is-daldala, kuwaasoo iskugu jira dadka madaxa looga jiro iyo qaar sababo kale ugu kaca falkaas oo diinta islaamku ay xaaraantinmeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -