Soomaaliya oo figta sare ka gashay Liiska dalalka ugu dakhliga hoose Qaarada Afrika

Warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka (The World Bank) ayaa lagu shaaciyey inay dalalka Somalia, Mozambique iyo Madagascar moqdeen dalalka ugu sareeya Liiska Dalalka ugu Dakhliga hooseeyo ee dalalka Qaarada Afrika .

Warbixinta waxaa lagu muujiyey in celcelis ahaan uu dakhligooda sanadka yahay qiyaastii 1,045 dollar.

Warbixinta waxaa lagu xusay in inta badan dalalka dakhligooda hooseeyo ay ku tirsan yihiin kaalmada horumarinta (Development aid) iyo dayman ay ka helaan taageerada dayn bixiyayaal dhinacyo kala duwan (Multilateral Lenders) sida bangiga adduunka iyo hay’adda lacagaha adduunka ee IMF.

Bangiga adduunka  waxay dalalka Caalamka u qeybiyeen saddex heer oo horumarineed oo kala duwan, kuwaasi oo kala ah:

1- Dalalka uu dhaqaalahoodu sarreeyo (High-income countries),

2- Waddamo uu dhaqaalahoodu yahay meel dhex-dhexaad ah (Upper-middle-income countries)

3- Dalal uu dhaqaalahoodu aad u hooseeyo (Low-income countries).

W/Q Ustaad Nuradin

Xigasho: World Bank Report

- Advertisement -