Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamada dowladda oo howlgal culus kawada deegaan ay shalay la wareegeen (Sawirro)

Ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgal culus ka wada deegaanka Janaay Cabdalle ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay shalay ciidamada huwanta Al Shabaab kala wareegeen.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in ay deegaankan Janaay Cabdalle duleedkiisa ka wadaan howlgal sifeen ah, waxa ayna tilmaameen in ay ku daba jiraan firxadka xubnihii Al Shabaab ee shalay deegaankaasi isaga baxay.

Ciidamada huwanta oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saldhigyo ka sameestay deegaanka Janaay Cabdalle, waxa ayna ciidamada qaar howlgalo ka wadaan duleedka deegaankaasi oo la tuhmayo in Al Shabaab joogaan.

Deegaanka Janaay Cabdalle ayaa dhaca kala barka degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, waana deegaan istaraatiiji ah oo isku xira gobolada Jubbooyinka ,Gedo iyo gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo bilaabay Qorshayaal Cusub oo xilka looga qaadayo Taliyaal iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Talyaaniga oo dalbaday in la cuno-qabateeyo France & khilaaf labada dal ka dhex curtay

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalkii ka qarxay Baladweyne iyo sida had xaal yahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---