Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalkii ka qarxay Baladweyne iyo sida had xaal yahay

Waxaa xalay saqdii dhaxe dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Kacdoonka uu hogaamiyo Janaraal Xuud iyo ciidamada maamulka HIrshabelle ka qarxay xaafado katirsan magaalada Baladweyne.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidamo ka amar qaata Janaraal Xuud oo degnaa duleedka magaalada Baladweyne galeen xaafado katirsan magaaladaasi, waxaana ciidanka iyo kuwa Hirshabelle dhax maray dagaal hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa salka ku haya markii shalay magaalada Baladweyne gaareen Wasiiro badan oo katirsan maamulka Hirshabelle kuwaa oo la filayo in maanta ka qeyb galana shirka golaha Wasiirada oo ka dhacaya Baladweyne.

Janaraal Xuud oo la hadlay Warbaahinta ayaana sheegay in aysan raali ka aheyn wasiirada Hirshabelle ee yimid Baladweyne iyo shirka dhacaya, waxa uuna tilmaamay waxii ka dhasha oo dagaal ah in masuuliyadeeda qaadi doonaan dowlada iyo Hirshabelle.

Xaalada magaalada Baladweyne gaar ahaan xaafadihii xalay iyo saakay aroor hore dagaalka ka dhaceen ayaa degan, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in mar kale dagaalamaan ciidamada iska soo horjeedaan.

Dagaalkii xalay ka qarxay magaalada Baladweyne ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadkii degnaa xaafadaha qaar bilaabeen in ay barakacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -