Maareeye ku-xigeenkii shirkadda Isgaarsiinta GOLIS oo goor dhow la dilay

Maareeye ku-xigeenkii Shirkada Isgaarsiinta Golis ee ka howlgasha degaanada Puntland ayaa caawa lagu dilay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Marxuum Cabdullaahi Cali Cumar ayaa waxaa la shegay iney toogasho ku dileen rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday, kuwaasoo markiiba ka baxsaday goobta.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka oo dhaawacyo halis ah loola cararay goobaha caafimaadka oo uu daqiiqado ka dib ku naf baxay.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay masuulkan iyo cida rasmiga ah ee ka dambeysa, mana jiro weli war ku saabsan dilkiisa oo ka soo baxay booliska iyo shirkada isgaarsiinta Golis oo ah shirkada ugu weyn dhinaca isgaarsiinta ee ka howlgasha degaanada Puntland.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa goobta gaaray kuwaasoo wada howlgalo xooggan oo ay bku baadi goobayaan kooxaha dilka ka geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -