Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarado duqeymo ka fuliyay magaalada Moskow ee caasimadda Ruushka (Sawirro)

Diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn oo laga leeyahay dalka Ukraine ayaa saakay weerar duqeymo ah ka geestay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, waxa ayna diyaaradaha beegsadeen xaafado katirsan caasimadda oo bartilmaameed ka dhigteen.

Dhismayaal dhowr ah oo kuyaalla xaafadaha hodanka ah ee magaalada Moscow ku ayaa ku waxyeeloobay duqeymaha dhinaca cirka ah ay saakay diyaaradaha Ukriane ka geesteen caasimadda Ruushka.

Guddoomiyaha magaalada  Moscow, Andrey Vorobyov ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyey in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee  Ukraine weeraro ka geesteen Moscow, waxa uuna xusay in diyaaradahaasu lagu wada toogtay meel ku dhow Caasimadda.

Duqeymaha ay geesteen diyaaradaha Ukraine ayaa geestay bur bur soo gaaray dhismayaal dhowr ah, waxa ayna ciidamada Ruushka ku guuleesteen in ay bad baadiyaan dadkii deganaa dhismayaasha waxyeelada kasoo gaartay weerarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo cafisay ciidan ka goostay oo ku biiray DF (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo shaacisay ujeedo qarsoon oo laga lahaa dibad-baxii ka dhacay Garoowe

Caydiid Ali

Daawo: Farmaajo, Fahad Yasin & Rooble oo dacwad laga gudbiyey & Mucaaradka Somaliland oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---